Sawiro: Maamulka Galmudug oo ay ku biireen burcad-badeeda Somalia & Hogaankooda

18 Jan 2016 (Puntlandes) Hogaamiyaha Burcad-badeeda Somalia Maxamed Garfaaje iyo Ciidamo fara badan oo wata Hubka Teknikada ah oo ah in kabadan 10 Gaari oo Tekniko ah ayaa maanta ku Biiray maamulka Galmudug ee uu madaxda ka yahay Cabdikariim Xuseen Guuleed ee Cadaado fadhigiisu yahay.

Munaasabad aad loo soo agaasimey oo ay isugu biirayeen Maamulka iyo Burcad-badeeda Somalia ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Nuur Ibraahin Cismaa wuxuuna sheegay in Hubkaan iyo ciidamada ay maamulka Galmudug ka mid yihiin hada ka dib.
Hogaamiyaha Burcad-badeeda Somalia Maxamed Garfaaje oo Khudbad ka jeediyay Munaasabadaas ayaa sheegay in uu diyaar u yahay ka shaqaynta Amniga isagoona si rasmi ah u sheegay inuu ku Biiray maamulka Galmudug.








 

About The Author