Daawo Barnaamijka Danka Hadal ee PLTV oo uu marti ku yahay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah

20 Jan 2016 (Puntlandes) Barnaamijka Danka Hadal ee ka baxa PLTV ayaa waxaa lagu waraystay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah Xuseen Cabdi Jaamac, isagoo si Qoto dheer u faahfaahiyey Qarshihii Wasaaradiisa ee sanadkii tagay 2015ka iyo Qorshaha u degsan sanadkan 2016ka.

191-7

Ugu horayn Agaasime Xuseen ayaa sheegay in Wasaarada Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ay ka mida Wasaaarada ugu muhiimsan dalka, ayna u xilsaaran Qorshaha Guud ee dalka, Deeqaha iyo isku duba ridkooda, Qiimaynta Mashaariicda, Xog Aruurinta dalka iyo xiriirka Dibadda. Agaasime Xuseen ayaa intaas ku daray in waxyaalihii ay qabteen 2015 ay ka mid ahaayenn inay sameeyeen Xeerarkii ay Wasaaradu ku shaqayn lahayd sida:

  1. Xeerarkii NGO (Ururada aan dawliga ahayn)
  2. Xeerarkii Statistikada
  3. Siyaasadda isku dubaridka Deeqaha
  4. Siyaasadda Qiimaynta iyo dabagalka Deeqaha

Wasaarada Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga Waxay kaloo soo ururisay Qorshe hawleedkii dawladda 2015 kana soo saartay Buug.

Daawo Waraysiga Agaasime Xuseen oo Xog badan Xambaarsan oo uu waraysanayo wariye Maxamed Timire

Puntlandes.com

About The Author