Daawo Video: Mid ka mida Shaqsiyaadkii Xamar DFS uga soo dirtay Khal khal gelinta Amniga Puntland oo banaanka iskeenay

20 Jan 2016 (Puntlandes) DFS ayaa Xamar kasoo abaabushay Shaqsiyaad ay doonayso inay Puntland ka abuuraan Jahwareer Siyaasadeed iyo Khalkhal Amniga Puntland, kuwaasoo ay lacag fara badan kusoo siiyeen madaxweynaha DFS Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa DAMUL JADIID.

184c2

Shaqsiyaadka lacagta kaga soo qaatay DFS Khal khal gelinta Amniga Puntland ayaa waxaa ka mida Gudoomiyahii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan, isagoo wada isku day uu Shacabka reer Bosaso iyo dawladda Puntland isaga hor keenayo.

189-10

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa Villa Somalia ee DAMUL JADIID waxay goosteen inay awoodooda iyo dhaqaalihii ay ku helaan magacaSoomaaliyeed inay isgu geeyaan sidii ay ku Bur-burin lahaayeen Puntland.

Waxaa dad badan iswaydiinayaa sababta ay dawladu u daawanayso waxa ay wadaan Shaqsiyaadkan loo soo diray inay Bur-buriyaan Puntland, ma jilicsanaan dawlada xageedaa? mise waa dulqaad?

Waxaa kaloo muhiim ah inay dawladu si Hufan u tixgeliso waxna uga qabato Tabashooyinka ay qabaan shacabka Bosaso, iyagoo ah Shacab wax walba u huray ilaalinta midnimada iyo jiritaanka Puntland.

Puntlandes.com

About The Author