Daawo Video: Qaladka uu sameeyey SBC TV Galkacyo, Gudoomiyihii G. Mudug oo meesha laga saaray

21 Jan 2106 (Puntlandes)  Waxaa maanta Shacabka reer Puntland gaar ahaan reer Mudug ay si aad ah ula yaabeen markii uu TVga SBC warkiisa ku sheegay war Xaqiiqda ka fog.

192-9b
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Abgaaloow oo ka Khudbaynaya Munaasibada

Gudoomiyiha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif (Xasan Abgaaloow) ayaa ka qayb galay soona Xiray Munaasabad Shirkada Golis ay Macamiisheeda ku gudoonsiinaysay abaal marin, taasoo ka dhacday magaalada Gaalkacyo.

192-9aa

Wariyaha uga soo waramayey TVga SBC Cabdulaahi Yare ayaan soo dayn Khudbadii xiritaanka ee Gudoomiyaha Gobolka, waxaana taas ka sii daran markii uu Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur yare uu ku sheegau “Ku simaha Gudoomiyiha Gobolka Mudug” iyadoo uu Munaasada joogo Gudoomiyiha Gobolka Mudug uuna ka Khudbeeyey!!CAJIIB.

192-9

Waxaa Ceeb ah Saxaafadana meel ka dhac ku ah warka uu tabiyey TVga SBC ee uu ugu gafay Saxaafada iyo dawladnimada Puntland, iyadoo aan meelna kasoo gelin wariyenimo iyo saxaafad.

Waxaa qaar ka mida shacabka Gobolka Mudug oo la soo xiriiray Warbaahinta Puntlandes ay iswaydiinayeen, malaha miyaa oo lagumaba sameeyey Tifatir TVga SBC warka loo soo diro?

Waawo warkii TVga SBC

Puntlandes.com

 

About The Author