Sawiro: Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo maanta kormeer ku sameeyey dhamaan Saldhigyada iyo Rugaha Booliiska ee Degmada Gaalkacyo

a

27 Jan 2016 (Puntlandes) Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif (Xasan Abgaaloow) ayaa maanta kormeer balaaran oo u kuurgelid iyo Isbarasho ah ku sameeyey dhamaan Saldhigyada iyo Xeryaha Ciidanka Booliiska ee magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiye Xasan Abgaaloow ayaa la kulmay dhammaan taliyayaasha saldhigyada booliiska  iyo saraakiisha kale , isagoo ka dhagaystay warbixin dheer Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug G/sare C/laahi shire doole.

Gudoomiye Xasan Abgaaloow oo halkaas ka hadlay ayaa ku booriyey Ciidanka Booliska iney shaqada ay Bulshada u hayaan ay dardar galiyaan  lana xoojiyo wada shaqaynta Laamaha Amaanka iyo Maxkamadaha.

Waxaa ku weheliyey kormeerka Gudoomiyaha Gobolka Mudug isu duwaha Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka ee Gobolka Mudug C/naasir Badel Khalaf.
1h

2

2a

2b

2c

2d

2e

2f

a
1g

1f

1e

1d

1c

1b

1a

1

About The Author