AKHRISO Warsaxaafadeed: Madasha Midnimada Iyo Dimuqraadiyada oo ka hadlay Shirkii Muqdisho ee Fashilmay

AKHRISO Warsaxaafadeed

198-2

1:- Bayaanku wuxuu jabinayaa qodobbada Dastuurka KMG-ka ah sida; Qodobka 64-aad xarafkiisa (a), qodobka 72-aad iyo Qodobka 4-aad.

2:-  Go’aanka ku qoran bayaanka wuxuu ahaa mid aan loo dhamayn. Go’aan aan lagu qaadan WADAR OGGOL, Wuxuuna Khatar ku yahay Midnimada, Wada-jirka, Xasilloonnida iyo Ammaanka guud ee dalka.

3:- Bayaanku, Wuxuu ka hor-imaanayaa Qaraarka Baarlamaanka ee Taariikhdiisuna ahayd: 27-1-16 oo Tilmaamaya: (a) In go’aanka wada-tashiga uusan jebin Dastuurka; iyo (b) inuu noqdo wadar-oggol.

4:- Bayaanku, Wuxuu tilmaan cad u yahay in ay Hoggaanka Qaranku ku Fashilmeen Meel-marinta Higsiga dalka ee 2016-ka & abuurida heshiis loo dhan yahay oo haysta kalsoonida shacabka loogana gudbo Marxaladaan Xasaasiga ah.

5:- Aragtida Bayaanka, Nasiib-darro; waxay albaabbada ka xirtay Nidaamka Axsaabta. Sida la ogsoon yahay ansixinta sharciga Axsaabta waxaa ula kac u meer-meeriyay xukuumadda, axsaabtuna dacwad arrintaas la xiriita waxay u gudbiyeen maxkamadda sare.

6:- Beesha Caalamka waxaan uga mahad-celinaynaa garab-istaagooda dadka Soomaaliyeed, Waxaanan ku adkaynaynaa inaysan hor-boodin go’aanno qabyo ah, ceyriin ah oo dastuurka khilaafsan; kuwaasoo keeni kara in Somalidu ku kala fogaato Midnimadooduna Wiiqanto.

7:- Ugu dambayntii, Madasha Midnimada iyo Dimuqraadiyadda Waxay soo jeedinaysaa in Dadaal la galiyo in la Abuuro is-faham Qaran oo laga wada Qayb-galo, loo dhan yahay oo aan la dadajin lana gacan-maroojin.

 

About The Author