Sawiro: Dowlada Hoose Degmada Gaalkacyo Oo xoghaye Cusub Yelatay

31 Jan 2016 (Puntlandes) Dowlada hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa waxaa ay yeelatay xog haye cusub kadib dhawaan markii uu xilka iska casilay xogyahihii xoghayihii hore dowlada hoose Maxamed dhubad kadiido  waxaana todobaadkii hore wasarada arimaha gudaha ay soo magacowday xoghaye cusub

Muxyadiin C/ Warsame ayaa waxaa uu la wareegay xilka xoghayaha dowlada hoose ee degmada Gaalkacyo waxaana joogay xil wareejinta maamulka degmada gaalkacyo mamaulka gobolka mudug xubno kamida barlamaanka dowlada Puntland

Maxamed Dhubad kadiido xoghayihii hore ayaa wareejiyay liiska shaqaalaha dowlada hoose degmada Gaalkacyo waxaana uu mahad celin ujeediyay maamulka degmada mudada ay wada shaqeeyeen isagoo xoghayaha cusubna la dardaarmay

Muxyaiin Cabdi warsame xoghayaha cusub ayaa sheegey inuu shaqada kasii wadi doono halkii ay maraysay waxaana uu shaqaalaha ka codsaday inay ula shaqeeyaan sidii xoghayihii hore  muxyadiin ayaa kamid  ahaa xubnaha golaha deegaanka degmada Gaalkacyo

DSC07244-500x281DSC07246-500x281DSC07247-500x281DSC07249-500x281DSC07254-500x281DSC07255-500x281DSC07256-500x281DSC07260-500x281

About The Author