Dhegayso: Beesha W. Galgadud e Mareexaan o shegtay inay Galmudug ka baxen mamul Galgadud Sare ay samaysanayan, sheegayna inaysan aqbalayn 4.5

7 Feb 2016 (Puntlandes) Isimada, Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Mareexaan ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa shir ballaaran oo ay ku yeesheen Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgduud waxay kasoo saareen inay Galmudug ka baxeen ayna dhisanayaan Maamul Cusub kaas oo loo bixin doono Galguduud Sare.

188-3

Beesha Mareexaan ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud  ayaa sheegay in ay diideen hab qaybsiga 4.5 aysna marna aqbalayn, kaas oo ay sheegen inuu siwayn uga fogyahay caddaaladda.

Ugaaska Beesha Mareexaan, Ugaas Taakow ayaa sheegay in Bulshada Mareexaan ee Gobolka Galguduud ay dantooda ka tashadeen, waxaana ay dhanka kale uu sheegay in beesha caalamka aysan ku taageersanayn in Soomaaliya ay ku celiyaan 4.5, iyagoo u danaynaya nin danleh oo siyaasi ah.

Dhegayso Odayaasha iyo Waxgaradja Beesha Mareexaan ee Caabudwaaq iyo go’aankooda


Puntlandes.com

About The Author