(Faahfaahin) Madaxweynaha DFS “dadaal badan ayaan u galay in talada Soomaaliya ay “Soomaalida” dhexdooda ah loo daayoo”

7 Fwb 2016 (Puntlandes) Madaxwyenaha DFS Xasan Sheekh oo khudbad dhinacyo taabaneysa ka jeediyay golahiisa shacabka ayaa xusay in talada dalka ay wax ku leeyihiin wax uu ugu yeeray “shacabka Soomaaliyeed”, isla markaana laga gudbay xilligii siyaasadda dadkale ay sameyn jireen.

197-3

Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa ugu horeyn Baarlamaanka ka codsaday inay kalsooni badan ku qabaan madaxdooda, isla markaana ay meesha ka saaraan in iyagu laga maarmay.

“Waxaan idinka codsanaya in aad meesha ka saartaan in baarlamaanka laga maarmay, waxaan rabaa in aan idin cadeeyo in aan la idinka maarmin, kalsoonidaas intaad ku joogtaan waa muhiim” isagoo intaa ku daray in uu dadaal badan u galay in talada Soomaaliya ay Soomaalida dhexdooda ah loo daayo

“Siyaasadda manaloo sameyn karo, waxa kale waa naloo qaban karaa dhanka taageeridda amniga, dhismaha xarumo muhiim ah, tan kale siyaasad kuma sameyn karno marxaladihii adkaa ee laga soo gudbay, gaar ahaan siyaasad dad dangaar ah ka leh ma sameyn karno, balse Siyaasad danta guud ah waan sameyn karnaa, waana ku soconaa wadadeeda” ayuu yiri Madaxweynaha.

Amniga?????

“Shilkii ugu dambeeyay ee Liido ku dhacay oo Hooyo, carruur iyo dad kale maato ah lagu laayay, dadkii ka dambeeyay dhacdadaasi waa argagixiso, waa tuug burcad ah oo u bareeray leynta maatada, kuwaasi waxa ay u baahanyihiin in Ummadda laga dhexqabto,” ayuu yiri Madaxweynaha oo hadalkiisa ku daray in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dadka ku dhexjiraan, loona baahanyahay in wacyi gelin guud la siiyo bulshada si gacanta loogu dhigo kooxaha dadka dhibaateynaya.

Madaxweynaha DFS ayaa tilmaamay in hay’adaha amniga ay kala hadleen in dadka lagu soo qabto howlgallada aan dhibaato loo geysan, isla markaana lagu sameeyo oo kaliya baaritaanno lagu ogaanayo, waxaana uu intaa raaciyay in ciddii lagu arkay, iyadoo jirdil u geysanaysa laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Badbaadada Ummadda, jiritaanka Qaranimada in aan u istaagno waa waajib nalooga baahanyahay, mas’uuliyadda amniga anaga ayaa iska leh, marka waxaan rabnaa in gacan lagu siiyo hay’adaha ammaanka qaabilsan oo lagu taageero howlaha loo idmaday, sax ma ahan in dad u taagan xaqiijinta amniga aan idaacadaha ka dacayadeedu, wixii qalad ah ee jira waxa ay leedahay hab loo marsiiyo dadka madaxda u ah” ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh oo codsaday in la dhiiri geliyo hay’adaha Nabadgelyada qaabilsan.

Dhaqaalaha?????

Madaxweynaha oo arrimaha dhaqaalaha ka hadlayay ayaa sheegay in xoogaa horumar laga gaaray xagga dhaqaalaha, isagoo dhanka kale xusay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dhalinta ku qaldeen lacag, loona baahanyahay in arrimahaasi wax laga qabto oo dhalinta mustaqbal fiican lagu horseeddo.

“Waxaan kaloo rabaaa in aan hadalkeyga ku soo gunaanado dhalinyarada u dagaallanka Al-Shabaab waxa ay u badanyihiin kuwa aan ku qanacsaneyn caqiidda kooxda Shabaab, balse ay jiraan daruufo adag oo ku kalifeysa, marka waxaa loo baahanyahay in aan u wada istaagno sidii dhalinta ay marin habaabiyeen Al-Shabaab loogu sameyn lahaa wacyigelin guud iyo shaqo abuur” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa Baarlamaanka uga mahadceliyay sharciyada muhiimka ah ee ay meel mariyeen.

IMG-20160128-WA0002

Habka Qabaliga ah ee 4.5

Xasan Sheekh ayaa haba yaraatee soo hadal qaadin go’aankii uu ku qaatay Habka Qabaliga ah ee 4.5, kaasoo ay diideen dawladda Puntland iyo Shacab fara badan oo Soomaaliyeed isagoo ku goodiyey oo kaliya inuu ku guulaystay in talada dalka looga dambeeyo wax uu ugu yeeray “Shacabka Soomaaliyeed” oo uu ula jeeda isaga iyo Kooxdiisa DAMUL JADIID!!

Xaaladda guud ee dalka?

Waxaa xusid mudan inuu dalka Soomaaliya iminka marayo marxaladii ugu LIIDATAY iyadoo ay AMISOM ay hadba magaalo ka baxay isla markaba na ayKooxda Alshabaab la wareegayso oo ayna u dambaysay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose. Xasan Sheekh sooma uusan qaadin kamana uusan hadlina maxaa yeelay DHIBBA KUMA HAYSO, waxa kaliya ee dhinka ku haya waa sidii uu mar kale usoo noqon lahaa!!

Puntlandes.com

About The Author