Sawiro: Xaaji Xuseen Gacayte oo qada sharaf u sameeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse

9 Feb 2016 (Puntlandes) Qado sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta loogu sameeyey Hotel Gaceyte ee magaalada Boosaaso Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Ganacsade Xaaji Xuseen Gacayte oo qada sharaftan u sameeyey Boqorka Beelaha Daarood ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ahaa maamulka maamulka gobolka ,aqoonyahanka,Issimada,culimada ayaa qeyb ka ahayd qadada.

Burhaan Boqor Muuse,Suldaan Maxamed Suldaan Abdilaahi Cartan,Garaad Sheekh Xussien Siciid Xassan,Xaaji Xussien Gaaceyte
Janaraal Cali Ismaaciil ,Korneel Yuusuf Qarawe,Yuusuf Abshir CadamiSheekh Fuaad Aflow,Yaasiin Beeldaaje Cabdilaahi,Yaasiin Cartan,
Faarax Xaaji Mire ,Maxamed Siciid,Abdiqaadir Shiine Cali Kawir ,Daahir Ayaanle Iyo masuuliyiin sharaf badan oo Bulshada hal-door u ah.

Boqorka iyo dhammaan xubnihii kala duwanaa ayaa Is-dhaafsaday sida ugu wanaagsan ee bulshada loogu sheegi karo qiimaha ay Nabadu leedahay isla markaana la hortago wax kasta oo dib u dhac u keenaya bulshada.

DSC_0084

Xaaji Xuseen Gacayte oo marti-sharafta u fidiyey Boqorka iyo xubnihii la scoday ayaa ka mahadceliyey sida wanaaga leh ee ay usoo ajiibeen qadada.

Waxa uu sheegay mar uu ka hadlaayey Xaaladda Nabadgelyo ee Boosaaso in loo baahan yahay si wadajir ah la isaga kaashado horumarka iyo amniga magaalada.

DSC_0114

DSC_0122Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays(Dhado) oo ku hadlay afka maamulka ayaa si guud uga hadlay amniga magaalada iyo horumarka gobolka.

Yuusuf Maxamed Wacays(Dhado) ayaa xusay in gobolka hadda diyaar u yihiin fulinta dhowr mashaariic kuwaasoo loo baahan yahay si wadajir ah dhinacyada la isaga taago.

Ugu danbeyntii Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa uga mahadnaqay Xaaji Xuseen Gaceyte casumaada qado,isagoona Ummada Soomaaliyeed ugu duceeyey in ALLAAH dgibaatada ka dul qaado.

DSC_0182DSC_0073DSC_0074DSC_0077DSC_0078DSC_0079DSC_0092DSC_0097DSC_0100DSC_0104DSC_0110DSC_0113DSC_0116DSC_0117DSC_0122DSC_0126DSC_0127DSC_0134DSC_0135DSC_0139DSC_0140DSC_0141DSC_0144DSC_0147DSC_0148DSC_0152DSC_0168DSC_0169DSC_0173DSC_0174DSC_0177DSC_0181

About The Author