Sawiro: Madaxweyne Gaas oo Tababar u soo xiray Macallimiin, Tababarayaal iyo Garsoorayaal Ciyaareed

Madaxweyaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa galabta 11-Feb-2016 garoonka Classic Stadium ee magaalada Garoowe kaga qayb munaasibad tababar loogu soo xirayey islamarkaana shahaadooyin lagu guddoon siinayey  85-qof oo isugu jira Garsoorayaal, Maamulayaal iyo Macallimiin, kuwaas  oo ka kala yimi 9-ka Gobol ee Puntland, isla markaana  tabarbar uu bixinayey xidhiidhka Kubadda Cagta Soomaaliyeed uu ugu soo xirmay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka tirsan golaha Wasiirada Dawladda Puntland, Xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliyeed, Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland, Xubno ka socda bulshada rayidka ah, macallimiintii tababarka bixinayey, iyo kooxihii kala duwanaa ee tababarku u soo xirmay.

Madaxweynaha ayaa ugu horraynba uga mahadceliyey Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo holitaanka tababarkan iyadu sabab u ahay kuna bogaadiyey doorka weyn ee ay ka qaadatay dar-dar gelinta iyo horumarinta ciyaaraha Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlayey muhiimadda ay leeyihiin ciyaaruhu ayaa sheegay in ay ciyaaruhu ka-qayb qaataan caafimaadka jirka iyo caafimaadka Maskaxda, taas oo sababta in qofku uu helo fir-fircooni dheeraad ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale uga mahadceliyey xidhiidhka kubbadda Cagta Soomaaliyeed oo tababarkan isugu jira Macallimiinta, Garsoorayaasha iyo Maamulayaasha ciyaaraha ugu qabtay ciyaaraha Puntland magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xiriirka kubbadda cagta Soomaaliyeed u sheegay in aan looga baahnayn tababar ay qabtaan oo keliya balse looga fadhiyo waxqabad intaa ka ballaaran, isla mar ahaantaana looga baahan yahay waxa ay magaca Soomaaliya ku soo qaadaan in ay si siman u wada gaadhsiiyaan dhammaan gobollada Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu dambayntii Shahaadooyin guddoonsiiyey macallimiintii, Garsoorayaashii iyo Maamulayaashii uu tababarku usoo idlaaday, shahaadooyinkaas oo ay ku mutaysteen dedaalkoodii dheeraa ee ay u galeen sidii ay u horumarin lahaayeen aqoontooda ciyaareed, sidookale Madaxweynaha ayaa kula dar-daarmay inay is beddel ka muujiyaan wejiga ciyaaraha Puntland ayna ka fogaadaan waxyaabaha maanka dooriya iyo xag-jirnimada.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ay soo dhammaatay munaasabadaasi waxa uu socod dheer oo lug ah kusoo maray inta u dhexaysa garoonka Kubbadda Cagta ee Classic Stadium iyo Madaxtooyada Dawladda Puntland oo qiyaastii gaadheysa ku dhowaad 3km, waxaana uu Madaxweynuhu soo indha-indheeyey muddadii uu ku jirey socodkiisa mashaaciida ay dawladdu ka hirgelisey goobagaasi sida jidka Madaxtooyada iyo Barnaamijka Ileyska Cad-ceeda ku shaqeeya oo dhowaan laga hirgeliyey jidkaasi iyo dhammaan jidadka Magaalooyinka waaweyn ee Puntland.
IMG_9695IMG_9699 (2)IMG_9701 (2)IMG_9704 (2)IMG_9712 (2)IMG_9713 (2)IMG_9720 (2)IMG_9729IMG_9741IMG_9746IMG_9754IMG_9759IMG_9763IMG_9770IMG_9775IMG_9779IMG_9781IMG_9784IMG_9787IMG_9788IMG_9796IMG_9797IMG_9803IMG_9807IMG_9826IMG_9830IMG_9831IMG_9848IMG_9864IMG_9873IMG_9883IMG_9889IMG_9894IMG_9902IMG_9919IMG_9926IMG_9946IMG_9950IMG_9958IMG_9971IMG_9974IMG_9982IMG_9984IMG_9985IMG_9987IMG_9988IMG_9992IMG_9996IMG_0003IMG_0006IMG_0007IMG_0009IMG_0012IMG_0015IMG_0017IMG_0020IMG_0027IMG_0029IMG_0031IMG_0033IMG_0041IMG_0055IMG_0065IMG_0067IMG_0070IMG_0076IMG_0095IMG_0104

About The Author