Akhriso: VOA “Iska Horimaad Ka Dhacay Boosaaso” waa wax lala yaabo BEENTA intaas le’eg

12 Feb 2016 (Puntlandes) Idaacada VOA  ee laga leeyahay Maraykanka ee ku baxda Afka Soomaaliga ayaa waxay qortay Qoraalkii ugu BEENTA badnaa kaasoo ay Cinwaan uga dhigtay  “Iska Horimaad Ka Dhacay Boosaaso” waa wax lala yaabo BEENTA intaas le’eg.

169

Waa Been tii ugu xumayd oo la sheego!! waa su,aale magaalada Afgooye ama Balcad oo Muqdisho u jira 30km ma oran karaa “Iska Horimaad Ka Dhacay Muqdisho”?

Idaacadda VOA ayaa waxay caan ku tahay taarida danaha madaxweynaha DFFS Xasan Sheekh oo geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulay sidii uu u Burburin lahaa Puntland, isagoo hilmaansan inay shacabkeeda yihiin wixii soo ilaashanayey Puntland uusan ku wax yeelayn karin Idaacad iyo Shaqsiyaad uu Shilimaad soo siiyo.

204

Xasan Sheekh ayaa dhawaan waxa uu Qandaraas soo siiyey Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Gallan, kaasoo ku kacay falal Amniga halis ku ah isagoo fulinaya Amarkii Xasan Sheekh iyo Kooxda DAMUL JADIID.

Idaacadda VOA oo ka shaqaysa wax yeelida dawldda Puntland iypo Shacabkeeda ayaa waxay ku tilmaantay “Iska Horimaad Ka Dhacay Boosaaso” Ciidamada Badda Puntland oo hawlgal ay kusoo qab qabteen dad ka shaqaynayey HAHRIIB iyo dad tahriibayey ka Fuliyey magaalada CEELAAYO oo Bosaso u jirta 30km. ka eeg sawirka hoose waxa ay VOA qortay.

Halkan riix si aad aragto qoraalka VOA: http://www.voasomali.com/content/article/3188457.html

209-4

About The Author