Dhagayso: Quraanjecel ”Dastuurka wax ka bedelka lagu sameeyey waxaa loo ekaysii kii dawladii Mileteriga”

21 Feb 2016 (Puntlandes) Afhayeenka dawladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Qur’anjecel oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa Sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay Mowqifka Puntland ee Isbadelka lagu sameeyay Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

196-8

Quraanjecel ayaa sheegay in DFS ay muddo dheer ku mashquulsanayd sidii ay hagal daacin lahayd Nidaamka Federaalka ee ay Soomaaliya qaadatay, isagoo sheegay in isbadelka lagu sameeyay Dastuurka KMG ah ay tahay qorshe aan waafaqsanayn sharciga, dano gaar ahna laga leeyahay.

Afhayeen Quraanjecel ayaa yiri “Qodobado aad u badan ayaa la badalay, waana kuwo xaasaasi ah, illaa 10 Cutub oo ka tirsan Dastuurka ayaa meeshaba laga saaray, qaar-na la badalay, tani waa tillaabo guud ahaanba looga soo horjeedo Nidaamka Federaalka”

Dhagayso waraysi uu Quraanjecel  la yeeshay Radio Daljir


Puntlandes.com

About The Author