Daawo Video: Hadalka Wasiirka Farbaa ku godan, Cumar & Gaas yaa run sheegaya?

23 Feb 2016 (Puntlandes) Dawladda Puntland oo ka duulaysa rabitaanka Shacabkeeda ayaa sheegtay inay Qaadacday go’aankii 4.5 ahaa ee uu madaxweynaha DFS Xasan Sheekh jeebka kala soo baxay si uu mar kale Kursiga Villa Somalia u hanto.

213-4a

Dawladda Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxay sheegtay inay Qaadacday 4.5 ayna ka mid ahaanayn dawlad lagu soo dhiso. Iminka waxaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ka socda shir ku saabsan sidii loo taageeri lahaa go’aanka Xasan Sheekh, kaasoo uusan ka qayb gelin madaxweyne GAAS isagoo ku sababeeyey diidmada Puntland ee 4.5.

Hadaba waxaa wariye Xasan Cadde ee Somali Cable TV waraystay Raysul wasaaraha DFS Cumar isagoo sheegay inaan Puntland Shirka ka maqnayn ee ay usoo dirsatay Wasiir iyadoo uu madaxweynuhu Cudurdaar laga aqbalay bixiyey.

Hadalka uu Cumar ku hadlay maaha wax lala yaabo oo hadalikiisii laakiin waxaa yaab iyo “ARGAGAX” keenay Hadalka Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Puntland uu ku hadlay isagoo markii la waydiiyey sababta uu madaxweyne Gaas uga baaqday Shirka ku sheegay in madaxweynaha Safar kale kusoo adaay oo Maraykanka ah “Sidaas darteed ayaana isleeyahay waa uga baaqday Shirka” ayuu yiri wasiirku

Markii si toos ah su’aasha loo waydiiyeyna Puntland ma qaadacday Shirka waxa uu ku jawaabay Wasiirku “Qaadacaad macno kale ayey samayn kartaa”

Hadalka Wasiirka Farbaa ku godan, Wasiirku wuxuu si cad banaanka usoo dhigay inay wax ka dhexeeyaan GAAS iyo Xasan Sheekh, haddii aysan taasi jirin waa in jawaab laga siiyaa shacabka reer Puntland waxa uu wasiirku ku hadlay!!

Soomaalida ayaa waxay tiraahdaa “war jiraa Cakaaruu imaan” wax la sugaaba waa  Cumar & Gaas yaa run sheegaya?

Puntlandes.com

About The Author