Wasiirada Arrimaha Dibadda & Difaaca ee dalalka ay ciidamadooda ka jooga Soomaaliya oo shir uga furmay Jabuuti

27 Feb 2016 (Puntlandes) Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka ay joogaan ciidamadooda Soomaaliya ayaa maanta shir uga furmay dalka Jabuuti, kaasi oo looga hadlayo Xaaladahii u dambeeyey ee Bartama iyo Koonfurta Soomaaliya.

Wasiirada ayaa kullankooda diirada ku saari doona xaalada kala guurka ee ay iminka Soomaaliya madaxa la gashay.

Dhanka kale Wasiirada ayaa si wada jir ah u cambaareeyay qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen dad badan kuwa kalaena ay ku waxyeeloodeen.

 

About The Author