Maamulka Jubaland oo Kismayo ku xiray Idil Cabdiqaadir Xuseen

27 Feb 2016 (Puntlandes) Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ahna XKMG ee Jubaland ayaa waxaa maleeshiyo daacad u ah Wasiirka Amniga Jubaland Gen Darswiish ay maanta duhurnimadii gurigeeda ka kaxaysteen Idil Cabdiqaadir Xuseen oo ah muwaadinad kasoo jeeda beesha harti ee jubaland.

214-1c

Idil Cabdiqqadir Xuseen ayaa waxaa lagu xiray xabsi ku yaal magaalada Kismaayo, xarigana waxa uu qayb ka yahay tacadiyada uu maamulka Jubaland u geysanaayo Beelaha Harti ee jubaland iyada oo Caaqil guud ee beesha hartiga ee Jubaland Caaqil Cabdulaahi Bile siciid uu maalintii tobnaad uu si xaqdaro ah ugu xiran yahay xabsi ku yaal magaalada Kismaayo.

Warar ay Warbaahinta Puntlandes maanta kasoo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in Waxgarad horleh oo kasoo jeeda Beelaha Hartia loo yeeray laguna in laga MASAAFURINAYO Guryahooda oo ku yaala Kismaayo loona masaafurinayo magaalada Xamar CAJIIB!!!! WAR MEESHA MAXAA KA SOCDA!!!

Maamulka Jubaland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe ayaa maalmihii u dambaysay CAADAYSTAY CABURINTA, XARIGA, MASAAFURINTA, BARAKICINTA, BOOB DHULEED  IYO CAGAJUGLAYNTA dadka kasoo jeeda Beelaha Harti ee Gobolka Jubada Hoose. Waxana u noqday Maamulka Axmed Madoobe Mashiinka ay u adeegasanayaan arimaha Korre Gen DARWIISH oo horay Gen nimo uu Kacaankii ugu siiyey in dadkiisa loo adeegsado.

Puntlandes.com

About The Author