AKHRISO: Xasan Sheekh oo lagu Khasbay inuu BEENIYO Askartii uu sheegay inay Kenya uga dhimatay CEEL CADDE

27 Feb 2016 (Puntlandes) War saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in warbaahinta ay si qalad ah u tarjumeen wareysi uu siiyay madaxweyne Xasan Sheekh talefishinka Somali Cable kaasoo uu ugaga hadlayay arrimaha weerarkii ka dhacay Ceel Cadde bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan.

197-3

“Tirada madaxweynaha ee 180-200 ee uu wareysiga ku sheegay ulama jeedin tirade saxda ah ee ugaga dhimatay walaalaheen Kenya weerarkii Ceel Cadde,balse Madaxweynaha waxa uu tilmaamayay xajmiga cutubka iyo askarta laga yaabay inay xilligaas kusugneyd saldhigga ciidamada.”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan oo luqada Englishka ku qornaa.

Qoraalkan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Wareysiga uu siiyay Tvga Soomaliyeed uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku difaacayay go’aankiisa ahaa inuu shacabka Kenya kala qeybqaato baroordiiqdii ay u sameynayeen geesiyaashii ugaga dhintey Ceel Cadde.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ahaa hogaamiyaal u tegey dalka Kenya aaskii qaran ee loo sameeyay askartii ugaga dhimatay ciidamada Kenya weerarkii ay ururka Alshabaab kuqaadeen saldhig ay ku lahaayeen gobolka Gedo.

War saxaafadeedkan ayaa lagu soo gunaanaday:”Madaxweyne Xasan Sheekh iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in ay ku taageeraan walaalahood Kenya howlahooda nabad ilaalineed ee ay u joogaan dalka Soomaaliya iyagoo ka mid ah ciidamada AMISOM,waxana aan la qeybsanaynaa xanuunkii iyo khasaarihii ka dhashay weerarkii ay argagaxisada ku soo qaadeen Ceel Cadde.”

Dhowaan ayaa shabakadaha caalamka waxa ay qoreen in wareysi uu siiyay taleefishin afka Soomaaliga ah Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sheegay in tirada ciidamada Kenya ugaga dhintey weerarkii Ceel Cadde ay u dhexeyso 180-200 oo askari.

AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA OO INGIIS LAGU QORAY

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

Djibouti: 27 February 2016: It has come to our attention that the media has misquoted HE The President of the Federal Republic of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud on the issue of the Kenyan casualties in El Adde attack in January 2016.

The number of 180 to 200 soldiers in which the President mentioned in his interview with a Somali local TV was not meant to be the actual number of the deaths suffered by our Kenyan brothers at El Adde attack, but the President was describing the size of the camp and the number of soldiers who were thought to be present during the terrorist attack.

President Mohamud was among the leaders who paid tribute and joined the Kenyans, during the memorial service of the fallen brave Kenyan soldiers, held in Eldoret end of January. In this interview with the Somali TV, the President was defending his decision to join Kenyans the memorial service of the Kenyan heroes.

The Federal Republic of Somalia, HE President Hassan Sheikh Mohamud and the people of Somalia are committed to extend full support to their Kenyan brothers and sisters in the peacekeeping mission of AMISOM, and are sharing the pain of the losses caused during the terrorist attack of El Adde.

Daud Aweis
Spokesperson,
Office of the President
Federal Republic of Somalia

About The Author