Faahfaahin dagaalkii Kismayo Caawa ka dhacay

27 Feb 2016 (Puntlandes) Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ahna XKMG ee maamulka Jubaland ayaa waxaa caawa ka dhacay goobo kala duwan oo ku yaala magaalada Dagaalo.

214-1c

 

Kooxda Alshabaab ayaa waxay soo weerareen Degaanka Ceelash biyaha iyadoo uu dagaalkaasi socda muddo aad u dheer oo 30 daqiiqo ah.

Kooxda Alshabaab ayaa waxay kaloo Madaafiic badan kusoo weerareen Airportka magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Xaafadda Calanleey ayaa waxaa isna ka dhacay dagaal aad u kulul kaasoo u dhexeeyey Ciidamada maamulka Jubaland dhecxdooda iyagoo isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan muddana uu dagaalkoodu socday. Meesha uu dagaalku ka dhacay ayaa ah meel aan ka fogeen deriseyonka legada iyo Via Afmadow u dhaxeeysa

Khasaaraha ka dhashay dagaaladaas kala duwan ee caawa ka dhacay magaalada Kismaayo  ayaan wali Warbaahinta Puntlandes helin inta uu le’eg yahay.

Kala soco faahfaahinta dagaaladan iyo Xaaladda magaalada Kismaayo Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author