Sawiro: Buugga Sharciga Ganaaxa Gaadiidka iyo Sharciga Wadamarista Puntland oo lagu soo bandhigay Boosaaso

Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland iy Laanta Ilaalada Wadooyinka ee Taraafikadda ayaa maanta magaaladda Bosaso kaga dhawaaqay inay dhammaan degaamadda Puntland 1-da Bisha Maarso si ramsi uu uga dhaqangalayo Sharciga Ganaaxa gaadiidka iyo sharciga Wadamarista.

Buuggan soo saaristiisa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Laanta ilaalada wadooyinka ee Taraafikada Iiyo Waaxda Cashuuraha beriga W/Maaliyadda.

Daahfurka Buuggan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Puntland, Wasiirka Amniga Puntland, Taliye K/xigeenka Booliska Puntland,Taliyaha Ilaaladda Wadooyinka iyo Agaasimaha Cashuuraha Bariga.

DSC_0319Agaasimaha guud ee Cashuuraha beriga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cali Farxaan ayaa ugu horeyn sheegay in soo saarista Buugan iska kaashadeen saddex wasaaradood oo kala ah amniga,maaliyadda,howlaha guud.

Mudane Cali Farxaan ayaa sheegay oo kale in qorshuhu yahay sidii buuggan degaamadda Puntland 1-da Bisha Maarso si ramsi uu uga dhaqangalayo Sharciga Ganaaxa gaadiidka iyo sharciga Wadamarista.

DSC_0322Taliyaha Taraafikadda ee Ilaaladda Wadooyinka Maxamed Finiin waxaa uu faahfaahin ka bixiyay Sababaha dhaliyay in la soo saaro Sharciga Wadooyinka iyo Buuga cusub ee Ganaaxa Baabuurta.DSC_0343Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo ka hadlay munaasabadii daahfurka buuga ayaa sheegay in Ciidamadda ilaaladu wadooyinka ay hoos yimaadaan wasaaradiisu, islamarkaana ay diyaar u yihiin fulinta iyo dhaqangelinta Buuga sharciga ganaaxa Wadooyinka.

Wasiirka Maaliyadda dowlada Puntland C/laahi Sheikh Axmed ayaa dhiniciisa xusay in sharciga wadooyinka iyo Buuga Ganaaxu uu yahay qayb muhiim ah oo ka tisan dowladnimadda iyo kala dambaynta.

DSC_0364Buuggan ayaa qeexaya qofka xaqa u leh inuu wado Baabur, Qaabka loo adeegsanayo wadooyinka. Waxaa kaloo sharciga qaybtii ganaaxu uu taabanayaa dirwalada aan haysa laysanka baabuurta,

Sidoo kale baabuurka la dhigo baakino qaldan, baabuurta la buuxdhaafiyo iyo dhamaan baabuurta ku xadgudubta sharciyadda wado marista ee Dowladda Puntland.

Buuggan Sharciyadiisa cusub ee la soo saaray ayaa dhaqangalaya 1-da Bisha Maarso ee sanadkan ,waxaana lagu baraarajuniyaa bulshada iyo gaadiidleyduba iney u hoggaansamaan.

 

DSC_0321DSC_0323DSC_0325DSC_0326DSC_0328DSC_0330DSC_0331DSC_0332DSC_0338DSC_0339DSC_0342DSC_0348DSC_0349DSC_0353DSC_0354DSC_0355DSC_0363DSC_0366DSC_0367DSC_0373

Waaxda Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
mofpuntland@gmail.com

About The Author