Dhagayso: Amniga Muqdisho oo Laba loo Qeybiyey Ciidanka Nabadsugidda & Ciidanka Booliiska

7 Marso 2016 (Puntlandes) Afhayeenka Wasaaradda Amniga DFS Cabdi Kaamil Macallin Shurkri ayaa maanta saxaafadda u sheegay in magaalada loo kala qeybiyey laba qeybood, oo qeyb ay maamuli doonaan Ciidanka Booliiska, halka qeybta kale ay maamuli doonaan ciidamada nabad sugidda.

214-1g

Ciidanka Booliiska ayaa sugi doona inta u dhaxeysa Liido illaa Ex-Kontrool, halka ciidamada nabad sugidda ay sugi doonaan amniga jidadka waa weyn ee soddonka, wadnaha, iyo warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayey sheegtay DFS inay Amniga Muqdisho ku wareejisay maamulka Gobolka Banaadir, halka ay maanta sheegtay DFS in loo qaybiyey laba qaybood oo mina Boolisku maamili doono midna ay Nabadsugidu maamuli doonto.

Dhagayso Warbixin ay ka diyaarisay VOA


Puntlandes.com

About The Author