Drs Idil oo wali u Xiran Ururka Raaskambooniyiinta ee ku AMAR TAAGLEEYA maamulka Jubaland

7 Marso 2016 (Puntlandes) Waxaa wali BURCADNIMO/MOORYAANIMO ah ugu xiran Ururka Raaskambooniyiinta ee maamula maamulka Jubaland Drs Idil Cabdulqaadir Xaaji Xuseen oo ahayd gudoomiye ku xigeenkii guddiga qoray Dastuurka maamulka Jubbaland, kana mid ahayd Aqoonyahanadii dhidibada u taagay maamulka Kismaayo kaliya ku kooban ee Jubaland.

214-2b1a

Xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku hoyatay habeenkii 11aad Drs Idil Cabdulqaadir Xaaji Xuseen oo dambiga kaliya ee ay gashay ay tahay inay ka dhalatay Beesha Harti ee magaalda Kismaayo, taasoo Isimadeeda, Nabadoonadeeda, Waxgadkeeda iyo aqoonyahanadeeda ay Ugaarsanayaan Ururka Raaskambooniyiinta ee maamula maamulka Jubaland.

Drs Idil ayaa Ururka Raaskambooniyiintu xabsi u taxaabeen markay taariikhdu ahayd 27 Feb 2016, iyadoo ilaa iminka ay Drs Idil ku jirto Xabsi Sharci daro ah.

Maamulka Jubaland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe ayaa maalmihii u dambaysay CAADAYSTAY CABURINTA, XARIGA, MASAAFURINTA, BARAKICINTA, BOOB DHULEED  IYO CAGAJUGLAYNTA dadka kasoo jeeda Beelaha Harti ee Gobolka Jubada Hoose.

About The Author