Dhagayso-sawiro: Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Deegaanka Bixin Gaarey

10 Marso (Puntlandes) Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha baarlamaanka dowlada Puntland Axmed Cali Xashi waxaana wafdiga kamida Wasiirka Arimaha Gudaha iyo masuuliyiin ka socda wasaarada amniga dowlada Puntland.

Axmed Cilmi Cismaan wasiirka wasaarada arimaha gudaha Puntland ayaa waxaa uu sheegey inay bixin u tageen inay dhamaystiraan wixii ka dhiman go,aamadii dowlada Puntland ka soo saartay xubnaha baarlamaankana ay hubinayaan wixii la qabto iyo wixii la qabtay.

Waxaana maanta la bur buriyay dhamaan calaamadihii ka turjumayay degaan ahaan ee dhawaan la dhigay degaaanka bixin oo ahayd deegaan daaqsimeed kadib cabasho badan oo shacabka kasoo baxay ayaa dowlada Puntland go,aamo kasoo saartay.

Gudoomiyaha baarlamaanka dowlada Puntland Axmed Xaashi iyo xubnaha kale ayaa waxaa ay sheegeen inay xaqiijiyeen in dhamaan howlihii dowlada sheegtay in la beneeyo la sameeyay hadana deegaanka calaamadihii mujinayay la baneeyay.

Dhagayso Gudumoomiyaha iyo Wasiirka Arimaha Gudaha

 

234

About The Author