Ismail Dirie ”mucaarad waa qof jecel dalkiisa madaxdana u duceeya kuna mucaarada keliya bal inay wax toosiyaan, Guulayso professor Gaas”

12 Marso 2016 (Puntlandes) Aqoonyahan Ismaaciil Aadan Diiriye Agaasimihii horre Hay,adda Daryeelka Bulshada Puntland isla markaana iminka ah Wasiiruk Dawlaha Maaliyadda ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa bartiisa Facebook ga soo dhigay Qoraal uu uga hadlay hab dhaqanka Mucaaradka Xukuumadda Puntland ee uu Hogaamiyo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Aqoonyahan Ismaaciil Aadan Diiriye  ayaa Qoraalkiisu u qornaa sidatan hoose:

215-6c

Anshax xumada, hadaf la’aanta iyo cuqdadaha ay butaacayaan mucaaradka Puntland qaarkiis waxay u tahay professor Gaas taageero.

Kuwan hadafkoodu waa burburin meel walbana waxay la taagan yihiin ceebaynta Puntland-tii ay kaga badbaadeen musiibooyinka hareeraha ka socda, waxaan abaal-laawayaashaas ku leenahay kala barta mooryaanimo iyo mucaaradnimo, mucaarad waa qof jecel dalkiisa madaxdana u duceeya kuna mucaarada keliya bal inay wax toosiyaan.
Guulayso professor Gaas.

215-6cc

Ismail Adam Dirie.

 

Xigasho: https://www.facebook.com/ismail.dirie.3?fref=ts

About The Author