Sawiro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kormeero kutegey xarunta dawladda hoose ee Minneapolis iyo xarumo kale

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ku jooga waddanka maraykanka ayaa kormeero ku sameeyey qaybo kamid ah xarumaha dawliga ah iyo  kuwa  ganacsiga ee soomaalidu kuleedahay magaalada Minneapolis e gobolka Minnesota  ee woqooyiga waddanka Maraykanka.

Goobaha uu madaxweynuhu kormeerkiisa ku tegey waxaa ka mid ahaa xarunta Dawladda Hoose ee magaalada Minneapolis halkaas oo kula kulmay Cabdi Warsame oo kamid ah masuuliyiinta sarsare ee  ee dawladda hoose ee magaalada Minniapolis, waxana ay ka wada hadleen barnaamijkii Mataanaynta Minneapolis iyo Boosaaso iyo qorshayaal horumarineed oo laga fulin doono magaalada Boosaaso ee Xarunta ganacsiga Puntland.

Sidoo kale goobaha kale uu booqashada ku tegey Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxa ka mid ahaa Xarunta Caafimaadka ee Afqarshe(Afqarshe Medical Clinic) oo ah xarun caafimaad oo uu leeyahay muwaadin reer Puntland ah kana mid ah xarumaha caafimaad ee ugu muhimsan magaalada Minneapolis.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa  kubooriyey Dr.Maxamuud Daahir Afqarshe oo ah Mulkiilaha Xaruntaasi caafimaad in uu ka qayb qaato wax kaqabashada baahiyaha caafimaad ee dalka ka jira iyo dar-dargelinta iyo tayaynta caafimaad ee ay dawladdu ka waddo Puntland.

Dr.Maxamuud Afqarshe oo hadda kahor booqasho ku yimi Puntland isla markaana ay dawladdu guddoonsiisey dhul uu ka hirgeliyey xarumo daryeel caafimaad ayaa Madaxweynaha u sheegay in uu dhowaan tegi doono Puntland isla markaana uu kaqayb qaadan doono dedaallada ay dawladdu ugu jirto tayaynta caafimaadka Puntland.

—DHAMMAAD—

received_1161891380495269received_1161891393828601received_1161891420495265received_1161891430495264received_1161891593828581received_1161892020495205received_1161892073828533received_1161892167161857received_1161892177161856received_1161892240495183received_1161892283828512received_1161892297161844received_1161892317161842received_1161892330495174received_1161892343828506received_1161892370495170received_1161892387161835received_1161892393828501received_1161892420495165

About The Author