WEERAR CULUS KU QAADAY CIIDAMADII MUQDISHO LAGA SOO ABAABULAY

16 Marso 2016 (Puntlandes) Wararka ay ka helayso Warbaahinta Puntlandes  bariga fog ee Gobalka Nugaal ayaa ku waramaya in saaka ciidan aad u Xoogan wadata hubka noocyadiisa kala duwan ay dagaal ku qaadeen Ciidamadii Huwanta ee shalay la wareegay gacan ku haynta deegaan xeebeedka Garmaal oo ka tirsan degmada Dongorayo ee Gobalka Nugaal

215-8b

Kooxdan hubaysan ayaa saaka dib uga gurtay deegaanka Garmaal, waxayna gaareen deegaan la yiraahdo Suuj oo 20km Waqooyi Bari kaga beegaan tuulada Garmaal, halkaas oo ay Ciidamada Puntland ku weerareen dagaalkuna uu iminka ka socdo.

Dhanka kale ciidamadii soo galay degaanka Garacad Doraad ayaa wararku sheegayaan inay qorshaynayaan inay isi soo dhiibaan, iyagoo aan is difaaci karin.

Wixii war ah ee soo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author