DEG DEG: CIIDANKA PUNTLAND OO QABTAY 3 BAABUURTA WAARAADKA LOO YAQAAN AH

16 Marso 2016 (Puntlandes) Wararka ay ka helayso Warbaahinta Puntlandes  bariga fog ee Gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in Ciidama Puntland ay gacanta ku dhigeen sadex baabuur oo ah Nooca loo yaqaano Waaraadka.

215-8b

Baabuurtan ayaa waxay ahaayeen kuwa Faaruqa oo aan cidi saarnayn, waxaana niman Xiriir la leh DFS madaxweynaheeda usoo direen Ciidamadii Huwanta ahaa ee laga soo abaabulay magaalada Muqdisho si ay u Burburiyaan dawlada Puntland.

Shacabka Gobolka Bari oo ah shacab ay ku dheer tahay dawladnimada ilaashada dawladooda ayaa ka shakiyey Baabuurtan Qardo jeexa ku socota oo aan cidi saarnay, kadibna waxay la socodsiiyeen dawlada Puntland.

Ciidanka Puntland oo iminka Gacan bir ah ku haya aminga Puntland una una istaagay inay ka difaacaan Puntland duulaanka Muqdisho looga soo qaaday ayaa si sahlan 3 dan Baabuur gacanta ugu soo dhigay.

Wixii war ah ee soo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author