Markhaati cad waxaa u ah Dulaanka Xasan Sheekh ” Warbaahinta Muqdisho oo jiif iyo joogba qaban weyday “

” Waxaad og tihiin reer Puntlandow ma la idiin shegaa “

215-b

Tan iyo intii kooxda Al-Shabaab ee laga soo abaabulay Xarunta madaxtooyada ee Villa Xamar ay weerarka ku soo qaaday Gobolada  Dawlad Puntland, waxaa Allaah subxaana qaadirka ahi marada ka feyday cadaawad iyo caabuqa gaamuray ee kooxaha Xamar ay u qabaan shacbiga iyo Dowlada Puntland.

” Nin baa waa hore laga hayaa”waar meesha salaad la tukadaa ma amraneyne, in wadaadka dabadiisa la arkaa idmaneyd “.

Puntland iyo shacbigeeda argagixiso iyo cadow isa soo uruursaday horena lib kamay helin,hadna waxba kama qaadi karaane, waxaa meesha ka soo baxday naceybka iyo xumaatada laabta iyo uurka lagu haystay,ee wali loo qabo dadka isir ahaan ku abtirsada Puntland, 25 sano ka dib dagaaladii sokeeye ee kooxaha Xamar ay dalka iyo dadkii soomaliyeedba ku baabiyeen.

Labadii beri ee ugu danbeysay waxaa warbaahinta Magaalada Xamar,baraha bulashadu ku kulanto sida Facebook,Twitter, iyo sidoo kale Xarumaha dawlada iyo makhaayadaha dadku ku kulmaan ee Xamar ka socday damaashaad iyo reynreyn, aad loogu faraxsan yahay weerarkaa cadowga Al-Shabaab iyo Villa Xamar iska kaashadeen ee lagu qaaday Shacbiga Puntland.

Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa si daran-doori ah oo aad u xiiso badan u baahinaya warar iyo faalooyin probogaan ah oo aan sal iyo raad toona laheyn oo lagu taageerayo weerarkaa Argagixisadu ku qaaday Puntland.

Goob joogayaasha ku sugan magaalada Muqdisho ayaa soo werinaya taageerada xooga leh ee loo hayo weerarkaaas Al-Shabaab ku qaaday Puntland,taas oo salka ku haysa isir naceyb iyo xiiso iyo xamaasad loo hayo in burbur iyo balaayo ku dhacdo shacbiga Puntland.

Waxaa tusaale cad kuu ah fiiri 48 sacadood ee ugu danbeysay qoraalada iyo wararka ay sii daayeen warbaahinta Xamar.

Tusaale maxay qoreen Warbaahinta Muqdisho

– Puntland oo la ogaaday in ay marti galisay Al-Shabaab iyo qorshaha qarsoon.

– Puntland oo baabuur laga gubay,maxaabiisna laga qabsaday

– Dagaalkii oo Maraakiib ku soo biirtay,Al Shabaab oo gurmad iyo taageero helay.

– Nabad sugida Somaliya oo sheegtay in Al-Shabaab weerar ku qaadi doonto Dekeda Bosaaso.

– Gaas oo xaalku ku xun yahay iyo cabsi aad u weyn oo Puntland ka taagan.

– Wasiirka Arimaha Gudaha Odawaa oo si caro leh ugu jawaabay Puntland.

– Ajaaniib khatar ah,oo si yaab leh u tababran oo gudaha u galay magaalooyinka Puntland

– Faroole oo Al-Shabaab lagu dacweeyey.

– Madaxweyne Axmed Madoobe oo aad uga sii fogaanya Madaxweyne Gaas.

– Yusuf Garaad oo faalo cajiib ah ka qoray Shabaabka galay Puntland ( maxay ka dhigan tahay ).

Intaasi waa qayb yar oo ka mid ah colaada ka soo burqaneysa qaybo ka mid warbaahinta magaalada Muqdisho ee sida gaarka ah u taageerta Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh,mana ah wax qarsoon taageerada maamulka iyo warbaahinta Muqdisho u hayaan kooxaha ay isla shaqeystaan ee argagixisada Al-Shabaab.

Guntii iyo gabagabadii waxaa muuqata in xaalka soomaliya uu maanta taagan yahay meel aad uga xun meeshii uu taganaa waqtigii dagaalada qabiilka ee dawladii somaaliyeed lagu burburiyey ay dalka ka bilawdeen sanadkii 1991.

Waxaa muuqta in weli loo durbaano garaacanayo in beelo dhan iyo Goboladooda dukun daakun laga dhigo,lana burburiyo nidaamka iyo kala dambeynta ka jirta.

Waxaa cad in ay meesha ka sii baxeyso rajadii khiyaaliga aheyd ee shacbiga iyo dawlada Puntland ku raadinayeen in mar kale dib loo soo unko dawladnimadii burburtay ee Soomaliyeed.

Waxaa marag ma doonta ah in kooxaha Muqdisho raadinayaan habeen iyo maalinba dawladnimo ay ku uruursadaan hub iyo dhaqaale ay ku xasuuqaan shacbiga Puntland.

Somaalidu waxay ku maahmaahdaa ” Ninkaan quusan,naftiisa quus ah ”

Waxaa shacbiga iyo Dawlada Puntland maanta cibaaro iyo wax ku qaadasho ugu filan,farxad iyo damashaadka loo qabo weerarka cadowga isa soo baheystay ay ku soo qadeen ciida Puntland.

Gabayaa hore oo somaliyeed baa laga hayaa ” Dilkiini lagu farax , sidaad tihiin dad gaalo ah “.

Mar haddii xaalkii soomaaliya halkaa foosha xun marayo, si cadna loo taageerayo Argagixsada Al-Shabaab, waxaa shacbiga iyo dawlada Puntland la gudboon Midnimo,isku tashi, iyo inay la yimadaan argti siyaasadeed oo cusub oo la jaanqaadi karta jawiga naceybka iyo rajo beelka uu ku habsaday raadintii dawladnimo somaaliyeed.

Xigasho:Puntlandi

About The Author