Abshir X Abdulahi “BERI BAA WAR YAALAA (All Shabab Dead)”

16 Marso 2016 (Puntlandes) Ciidamo Puntland oo ku gaashaaman gadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan waxa ay caawa ku hareersan yihiin deegaanka la yiraahdo Bad-qabo oo 40 KM u jira Degmada Godob jiraan Maleeshiyo Alshabab ah oo tiradooda lagu qiyaasayo ilaa 340 nin Kuwaas oo maalin ka hor dooni uga degay xeebta tuulada Garacad ee Gobolka Mudug.

215-11

Waxaa la rumaysan yahay Maleeshiyada Alshabab ee la dul hoganayo waxa ay dhamaantood subaxdii qoran yihiin dhimasho, Sababta oo ah dhulka oo ah geed gaab caduun ah , Islamarkaana aysan u suurto galayn iney helaan geed iyo buur ay ku gabadaan midna kooxda Alshababka ee halkaas lagu hareersan yahay…

Tan kale xaga cududa,tayada iyo tirada ma ahan Alshababku kuwo u babac dhigi kara ciidanka Puntland ee caawa dul hoganaya …

FG:- Isku soo duuboo haddii uu alle idmo Beritoo buu War yaalaa..

Dhinaca kale dagaalkii ciidamada Puntland maanta kula galeen Garmaale Maleeshiyo Alshabab ah sida aanu ka soo xiganayno saraakiisha ciidanka waxa lagu dilay in ka badan 40 dagaal yahan oo Alshabab.

Ciidamada Puntland ayaa in ka badan 9 saacadood oo xriir ah ku duqeynayay Maleeshiyada Alshabab tog yar oo ku yaala deegaanka Suuj oo ay abaaro duhurnimadii maanta gabaad ka dhigteen Maleeshiyada Alshabab…

Taas bedelkeeda waxa ay ciidanku u adeegsadeen duqeymo hubka noocyadiisa kala duwan sida hoobiyayaal halka labada Af iyo geesaha ciidanka Puntland ee ku sugan Suuj ka fariisteen toga ay galeen maleeshiyada Alshababku…

Waxaana haddii uu alle idmo berito la saadaalinayaa in ciidamada Puntland soo gabo gabeyn doonaan howl-galada ka dhanka ah Alshabab ee ilaa maanta ka soconayay Suuj iyo Bad-qabo.

Abshir Xaaji Abdulahi

https://www.facebook.com/samiir.mahuraan?fref=ts

 

About The Author