DAAWO VIDEO-Dhageyso: DFS & Puntland oo ka Hadlay Cidamada Dhuumashada ku tagay Puntland & AMISOM

Raysul Wasaare ku xigeenka DFS Maxamed Cumar Carte

17 Marso 2016 (Puntlandes) Raysul Wasaare ku xigeenka DFS Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in DFS ay diyaar u tahay inay gacan ka gaysato sidii CIIDAMO AMISOM LOO GAYN LAHAA PUNTLAND, kadib makrii dhowan ay degaamada Puntland tageen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabab.

158ab

Dhagayso Carte


Carte oo VOA waraysatay ayaa sheegay in ujeedada DFS tahay in Al-Shabab aysan u guurin deegaanno nabad ah, sidaasna ay AMISOM ugu caawinayaan.

Dhanka kale mar uu ka hadlay Carye diidmada Puntland ee habka Foosha Xun ee 4.5 ayaa waxa uu sheegay in QORSHAHOODU YAHAY BISHA MAY 2016 IN LAGU HESHIIYO HABKA AY DOORASHADU U DHACAYSO!!!!!!

Waa su’aale haddii ay tahay in la dhaariyo oo ay Xilka la wareegaan Xildhibaanada cusub 20ka Agoosto 2016 soow maaha in QORSHUHU NOQDO in ay DIYAAR AHAADAAN LIISTA Xildhibaanada cusub ugu dambayn July 2016?

Haddiise ay tahay in Xildhibaanada cusub ugu dambayn July 2016 diyaar ahaadaan see MACQUUL KU TAHAY in MAY 31 la go’aamiyo ama la isku raaco habka Doorashadu u dhacayso?

Jawaanta madaxweynaha Puntland GAAS!!

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isna VOA ay waraysatay ayaa sheegya in Puntland aysan u baahnayn wax ciidamo ah oo ka socda AMISOM in la geeyo Puntland, isagoo si cad u sheegay inay Puntland isku filan tahay ayna lagama maarmaan tahay in Puntland la siiyo wixii taakulayn ah ee la siiyo cidanka DFS.

Dhanka kale madaxweyne Gaas ayaa isagoo aan wadanka joogin waxa uu BEENIYEY eedayntii Wasiirka Amniga uu ku eedeeyey in ay DFS ka dambayso soona abaabushay Ciidamada Dhuumaalaysiga kusoo galay Xeebaha Puntland.

Waxaa yaab ah sida uu madaxweynuhu ku ogaaday cidda ka dambaysa ama soo abaabushay Ciidamada Dhuumaalaysiga ku soo galay Xeebaha Puntalnd, soo ma Qumanayn inuu ka hadlo markuu wadanka tago.

Dhageyso Gaas



Puntlandes.com

About The Author