Dhageyso: Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland oo saaka ka warbixiyey Hawlgalka Sifaynta Alshaab

17 Marso 2016 (Puntlandes) Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Dowladda Puntland Col. Cabduqaadir Shire Faarax Ereg ayaa ka warbixiyey meesha uu marayo Hawlgalkii looga Sifaynayey Alshabaabtii sida Dhuumashada ah ku soo galay xeebaha Puntland gaar ahaan Gobolada Mudug iyo Nugaal.

212-1

Taliye Ereg oo ku sugan deegaan Garacad ee Alshabaab ay Isniintii lasoo dhaafay kasoo dageen ayaa shacabka Puntland u sheegay in Garacad iyo dhulka u dhow uu nabad yahay, islamarkaasina maleeshiyaadku ay dhulka baadiyaha ku dhuumanayaan loogana daba tegi doono.

Waxaa xusid mudan inuu Taliyuhu waraysigan bixiyey inta uusan bilaaban dagaal Xoogan oo u dhexeeya kooxdaa iyo Ciidamada Difaaca Puntland.

Faahfaahin kala soco Warbaahinta Puntlandes

Dhagayso Gudoomiyaha

About The Author