DEG DEG: Faahfaahin ku saabsan Dagaalka Godobjiiraan ka socda

17 Marso 2016 (Puntlandes)  Abaaro duhurnimadii maanta ayaa dagaal xoogan oo u dhaxeeya Puntland iyo Alshabab ka qarxay deegaan lagu magacaabo Bad-qado oo 40 KM u jirta degmada Godob jiraan ee gobolka Nugaal

215-8b

Dagaalkan ayaa ah mid ka xoogan midkii shalay marka la barbar dhigo tirada maleeshiyada Alshabab oo ka badan kuwii shalay ciidanka Puntland kula dagaalameen deegaanka Suuj

Wararka aanu ka helayno dadka deegaanka dagaalku ka socdo waxa ay sheegayaan in dagaalka ay ku gacan sareeyaan ciidanka Puntland kuwaas oo madaafiicda goobta iyo hubka noocyadiisa kala duwan u isticmaalaya maleeshiyadda Alshabab ee ay dagaalka kula jiraan

Dhinaca kale ciidanka Puntland ayaa guulo la taaban karo kasoo hooyay dagaalkii shalay ay kula galeen maleeshiyo ka tirsan Alshabab deegaanka Suuj ee ka tirsan tuulada Garmaale Gobolka Nugaal

Dagaalka Bad-qado oo ilaa iyo hadda soconaya lagama hayo faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay

Faahfaahin kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author