DEG DEG-DHAGAYSO: Ciidamada Puntland oo Hawgalkii Sifaynta ka wada Degaanada SUUJ & BAD-qado & Dagaaloo wali socda

17 Marso 2016 (Puntlandes)  Ciidamada Puntland oo wada Hawgal aad u baaxadwayn oo ay uga Sifaynayaan Malayshiyooyin (Alshabaab) dhanka Koonfureed si dhuumaalaysi ah Xeebaha Puntland gaar ahaan Gobolada Mudug iyo Nugaal.

215-8b

Saaka ayaa waxay Ciidamada Difaaca Puntland weerar ku qaadeen Malayshiyo ku dhuumaalaysanayey Togga SUUJ ee degaanka Garmaal ee Degmada Dangorayo Gpobolka Nugaal, iyagoo inta badan adeegsanayey Madaafiic iyo Hubka Cul Culus.

Wararka soo gaaraya Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in uu Jab xun soo gaaray Malayshiyada Koonfur laga soo tuuray.

Dhanka kale duhurnimadii maanta áyuu dagaal xoogan oo u dhaxeeya Puntland iyo Alshabab ka qarxay deegaan lagu magacaabo Bad-qado oo 40 KM u jirta degmada Godob jiraan ee gobolka Nugaal

Dagaalkan ayaa ah mid aad u xoogan walina waa uu socdaa mana lahan Buuro iyo meelo gabaad ah goobta lagu dagaalamayaa sida SUUJ.

Idaacada VOA ayaa ka waraysatay wariheeda Garowe waratrkii u dambeeyey ee Hawlgal ay Ciidamada Puntland uga Sifaynayaan Puntland Alshabaab


Puntlandes

About The Author