DEG DEG: Ciidamada Puntland oo Hawgalkii SUUJ soo Afmeeray & kii BAD-qado oo wali socda

17 Marso 2016 (Puntlandes)  War iminka  kusoo dhacay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in ciidamada difaaca ee Puntland ay gudaha ugu galeen togga SUUJ ee au ku dhuumaalaysanayeen Alshabaab.

215-8b

Togga SUUJ ayaa shalay waxaa galay God ku yaala Ciidamo Alshabaab ah oo kasoo degay Degaanka Garmaal ee Degmada Dangorayo ee Gobolka Nigaal, iyadoo uu isla shalayba ay Ciidama Puntland weear ku qaadeen.

Habeenimadii xalay ilaa iyo maanta galabnimadii ayaa ciidamadu ku garaaceen madaafiic iyo hub culus. Mid kamid ah saraakiisha Puntland oo la hadley Warbaahinta Puntlandes ayaa u sheegay in ciidanku ay gudaha ugu dhaceen halkii ay kooxdu isku urursatey, wax is-dhiiba iyo wax geeriyooda ayeyna noqdeen ayuu yiri, waxaana lagu wadaa in hawlgalka Suuj iyo Garmaal la soo afjaro saacadaha soo socda.

Waa guul wayn oo usoo hoyatay Shacabka iyo dawlada Puntland waxaana ku amaanan Geesiyaasha Difaaca ugu jira har iyo habayn ilaalinta Puntland.

Dhanka kale waxaa wali socda dagaalkii Bad-qado ka socday oo ku dhexeeyey Ciidamada Puntland iyo Alshabaab, Bad-qado ayaa waxay u jirtaa Godobjiiraan 40KM

 

About The Author