Dhagayso: Ciidanka Puntland oo Guulo ka gaaray dagaalkii Bad-qado ee Godobjiiraan

17 Marso 2016 (Puntlandes)  Ciidamada Puntland ayaa guulo waa weyn kasoo hoyiyey dagaalkii ay maanta galinkii danbe ku qaadeen maleeshiyadii Alshabaab ee ku sugnayd deeggaanka la yiraahdo Bad-qado oo ka tirsan Degmada Godobjiiraan ee Gobalka Nugaal.

216-2

Sawirka kore Ciidanka Difaaaca Puntland oo ka dagaalamaya maanta Bad-qado (sawoirka Abshir Xaaji cabdulaahi)

Ciidanka ayay wararku sheegayaan inay dagaalkaasi kaga dileen Alshabaab ku dhowaad 19 ka mida tiro intaas kabana waa ku dhaawaceen.

Dhawaan ayaa dawlada Puntland soo bandhigi doontaa khasaaraha ay u gaysatay Kooxda Alshabaab ee sida dhuumaalaysiga ah kusoo galay Xeebaha Puntland gaar ahaan Gobolada Mudug iyo Nugaal.

Dhagayso Gudoomiya Gobolka Nugaal Cumar Farawayne


Puntlandes.com

About The Author