XOG: Khasaaraha Dagaalkii maanta ee Bad-qado ee Godobjiiraan

17 Marso 2016 (Puntlandes) Khasaaraha Dagaalkii maanta ay Ciidamada Difaaca Puntland ku qaadeen hawlgal ay kaga sifaynayaan Cadawgii ku dhuumaalaysanayey Degaanka Bad-qado ee Godobjiiraan ayaa waxay XOG ay heshay Warbaahinta Puntlandes ay sheegaysaa inuu yahay mid kooban dhanka dhanka Ciidanka Difaaca Puntland halka uu yahy mid tiro beel ah dhanka Cadawga Alshabaab,

216-2

 

Xogta ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa ah in Kahaasre aad u wayn loo gaystay Alshabaab loogana dilay maanta gadaalkii ka dhacay Bad-qado Ciidan kor u dhaafaya 50 ka mid ah Alshabaab.

Dhanka Ciidanka Difaaca Puntland ayaa dhimashadu tahay 3 Askeri halka uu dhaawucu yahay 9 Askeri, iyadoo halkaas ay Qoraxdu ugu dhacday maanta lana filayo in maalinka berri ah uu sii socdo dagaalku ilaa ay Ciidanka Difaaca Puntland ay ka sifeeyaan cadowga kusoo duulay Puntland.

Halhan ka doo Hees loo qaaday Geesiyada Ciidanka Difaaca Puntland

Dhanka kale waxaa Geesiyada Ciidanka Difaaca Puntland ay la wareegeen Toggii ay ku dhuumaalaysanayeen Cadwoga Alshabaab ii SUUJ ee ka tirsan Degaanka Garmaal ee Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal.

216-1e

About The Author