Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Soo Afmeeray Safarkiisii shaqo ee uu ku joogey Qaaradda Ameerika

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo muddo bil ah  safar shaqo kujoogey waddanka Maraykanka ayaa maanta 18-March-2016 soo gaadhey magaalada Addis Ababa ee Xarunta Waddanka Itoobiya.

1

Madaxweynaha ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu sarraysa dalkaasi isagoo kala hadli doona guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan kooxaha argagixisada alshabaab oo kusii xoogaysanaya geeska Afrika.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi kadib waxa uu usoo gudbi doona Puntland maadaama ay maalmihii ugu dambeeyey ay dawladdiisu ku jirtey dagaal adag oo lagaga sifaynayo Puntland kooxaha Burcad diimeedka ah ee duullaanka kusoo qaaday  qaybo kamid ah deegaan xeebeedka Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in Puntland ay isaga filantahay guluf walba oo ka dhan ah Puntland oo ay soo qaadaan kooxaha argagixisada ah iyo cid walba oo isku dayda inay  khalkhal ka abuurto Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada qalaba sida ee dawladda Puntland ay xaq u leeyihiin in ay helaan taakulada ay helaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa oo Amisom balse aanay jirin wax baahi ah oo Puntland u qabto in ciidamo shisheeye la keeno.

—DHAMMAAD—-

About The Author