Sawiro: Wararkii u dambeeyey ee Togga Suuj ee Gobolka Nugal

19 Marso 2016 (Puntlandes) Wararka ugu dambeeyey ee Warbaahinta Puntlandes ka helayso Aaga uu Halwgalka Sifaynta ka socdo ee SUUJ ayaa sheegaya in ciidamda difaaca Puntland ee ku sugan Goobtaas inay ku guda jiraan soo Afmeeridda Hawlgalka ay Ciidan Difaaca Puntland uga Sifaynayeen Malayshiyada alshabaab ee halkaas ku dhuumaalaysanaysay.

216-2e

Wararka ay helayso Warbaahinta Puntlandes  ayaa waxay sheegayaan inay  Ciidan Difaaca Puntland ay qabteen maxaabiis dhan Afar ka mid ahaa Malayshiyada alshabaab.

Maxaabiista ayaa u sheegay Ciidanka Puntland in gudaha Togga SUUJ ay ku jiraan Maydad badan, dhaawacyo, waxayna intaas kusii dareen sida ay Warbaahinta Puntlandes xog ku heshay in Malayshiyada Alshabaab ee ku dhuumaalaysanaya Togga ay yihiin Saad la’aan , waxayna intaas kusii dareen inay Baxsad ahaayeen.

Wararka ay helayso Warbaahinta Puntlandes  ayaa waxay sheegayaan inay  Ciidan Difaaca Puntland qorshaynayaan inay soo Afjaraan Hawlgalka Sifaynta Malayshiyada alshabaabka ee ku dhuumaalaysanayey Togga SUUJ.

Faahfaahin kala soco Warbaahinta Puntlandes

216-2e1 216-2e2 216-2e3 216-2e4 216-2e5 216-2e

Puntlandes.com

About The Author