Dhagayso: Culimada Puntland ”Ciidanka Puntland waa Mujaahidiin ka hortagaya Cadow soo duulay”

19 Marso 2016 (Puntlandes) Iyadoo uu maalmihii u dambeeyey ka socday Puntland gaar ahaan Degaanada SUUJ iyo Kulub dagaalo ay Ciidanka Difaaca Puntland uga sifaynayaan Malayshiyo Alshabaab ah oo si Dhuumaalaysi ah kusoo galay Degaanadaas ayaa waxaa ka hadlay Culimada Puntland.

216-2c

Sheekh Cabdiraxmaan Qoordheere oo ka mid ah Culimada Gobolka Mudug oo waraysi siiyey idaacada Radio Daljir ayaa sheegay in ay  Ciidamada Difaaca Puntland Mujaahidiin ka hortagaya Cadow kusoo duulay Puntland

Sheeka ayaa wuxuu sheeay in Ciidanka iyo Shacabka Puntland ba ay waajib Diiniya ku tahay Difaaca dalkooda, isagoo intaas kusii daray in Askariga ku dhinta Dagaalkaas uu yahay Mujaahin u Shahiiday Dalkiisa.

Dhagayso Sheekh Cabdiraxmaan Qoordheere


Puntlandes.com

About The Author