Wararkii u dambeeyey ee Hawlagka ay Ciidanka Difaaca Puntland ka wadaan Degaanka Garacad

20 Marso 2016 (Puntlandes) Dagaal udhexeeya Ciidanka Difaaca Puntland iyo Malayshiyo  Alshabaab ah oo si dhuumaalaysi ah kusoo gaaray Degaanka Garacad ayaa saaka sidii aanu wararkii hore ku baahinay waxa uu ka bilowday Goobta lagu magacaabo BEENI HARSATAY oo Degaanka Kulub dhanka Il-Fooxshe kaxiga.
Ciidanka Difaaca Puntland  ayaa waxay u isticmaaleen Malayshiyada  Alshabaab Madaafiicda waawayn iyo Hubka noocyada kale duwan, halka ay Alshabaab isticmaalayso Hubka Qoryaha ay ugu wayn yihiin PKM iyo Baasuukayaal kaliya.

Sida ay Xogta ku heshay Warbaahinta Puntlandes Dagaalka maanta socdaa waa ka duwan yahay kii dagaalka Togga SUUJ, maxaa yeelay deegaanka lagu Dagaalamayo maanta waa meel banaan ah lana filayo inuu gaaro Alshabaab Khasaaro aad u badan.

216-2
Malayshiyada Alshabaab ee halkaasi ku sugnaa ayaa tiradooda lagu qiyaasayaa dhawr boqol, iyagoo aad uga badan kuwii Togga SUUJ

Khadka Isgaarsiinta ayaa hawada ka maqan waxaana aad u adag in wax laga ogaado dagaalka saaka bilowday.

Warbaahinta Puntlandes ayaa goor dhawayd oo ay la hadashay Wariye la hadlay intii uusan khadku go’an waxa uu u xaqiiyey in Jab wayn la gaarsiiyey Alshabaab, saacadaha soo socdana la soo Afmeeri doonpo Hawlgalkii ay maalmihii u dambeeyey wadeen Ciidanka Difaaca Puntland

Wixii war ah ee kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author