Guusha ay Gaareen Ciidamada Puntland Farriin Caynkee ah bay diraysaa?

Waxaynu la wada soconaa in ay Ciidamada Puntland jabiyeen, malayshiyadii  naf la caariga ahaa, oo naftooda kusoo  miidaamiyey Puntland, kuwaas oo si dhuumaalaysi ah uga soo degey xeebaha Garacad iyo Ayl.

216-3f

Farrinta koowaad waxay guushaasi gaarsiinaysaa isla argigixisada, kuwaas oo ka baranaya  casharka ah in haday ciidankasta iyo xoog kasta keenaan Puntland aysan faa´iido ka heleyn duulaankooda iyagoo baaba iyo jab uun kala kulmayaan.

Isku duubnida ay muujiyeen Shacabka iyo dawladda Puntland waxay kaloo fariinta labaad u diraysaa.

  • Dawladda Xamar oo u qabtey in ay si sahal ah Puntland gacantooda usoo galin karaan haday awoodu kala dhantaalanto, kuwaas oo islahaa AMISOM u dalba si ay xukunkiina u hoosyimaadaan, Xassan Sheikh oo si aan laga fiirsan ugu sheegay Baarlamaankiisa in wax kasta oo dawladi lahayd outsourcing lagu samayn karo, Sida Ammaanka oo ay AMISOM u haynayso, laakiin aysan marna cid kale u dhiibeyn siyaasada waa siduu hadalka u dhigaye (Ogaada in Siyaasadda uu sheegayo ay tahay in uu Villa Soomaaliya iska dhex joogo).
  • Beesha caalamku waxay ka fahmaysaa casharkaan ay ciidamada Puntland, Dawlad iyo shacabku u dhigeen argigixisada, in ay maalkoodii iyo maskaxdoodii geliyeen meel khalad ah. Iyagoo ogaadey in aysan dawladda Xamar ahayn hay´adii Soomaaliya arimaheeda wax laga waydiin lahaa. Kuwaas oo si joogta ah ugu fashilma arrimaha Soomaaliya.

Ugu danbayntii waxay farriin u diraysaa Guushaasi AMISOM midaas oo tusaya in hadii ay shacab iyo Xukuumad la isku tashado in laga maarmo iyaga.

Puntlandes.com

 

About The Author