Madaxweynaha DDSI Cabdi M Cumar ” Waxaan aad ugu hambalyeynayaa shacabweynaha Puntland Iyo dawlada PL”

20 Marso 2016 (Puntlandes)  Madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiyo (DDSI) Cabdi Maxamuud Cumar ayaa bartiisa Facebook ga soo dhigay Qoraal uu uga Hambalyeeyey Shacabweynaha Puntland iyo dalada Puntland guushii taariikhiga ahayd ee ay kasoo hayiyeen dagaalkii ay la galeen Malayshiyada Alshabaab ee soo weerrartay Puntlsand.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Qoraalkiisu u qornaa sidatan hoose:

 Waxaan aad ugu hambalyeynayaa shacabweynaha Puntland Iyo dawlada PL sida gobonimada iyo Isku duubnida ay ugu muujiyeen ciidamadooda runtii waxay tani muujinaysaa inaanay AL-QUSHAASH Ku dhex-noolaan kerin Shacab ah sida puntland
Anaga kan DDSI ahaan awalaba sidii caadad noo ahayd ayaan u garab istaagi doonaa walaalahayga PL Mid ciidan iyo Taloba Waxaan ugu baaqayaa Walalaha Koonfureed inay sida shacabka PL ay meel uga soo wada jeestaan argagixisada al-qushaash midna hala ogaado Argagixisadu kuma noolaan karto meel isku duubnaansho uu jiro ee waxay ka faa’ideystaan shacab kala fur-furan ee wax halaga barto walaalaha PuntLand

216-4f

177b1

Cabdi Maxamuud Cumar madaxweynaha DDSI

Xigasho https://www.facebook.com/President-Abdi-Mohamud-Omar-464471890369098/?fref=ts

 

About The Author