Sawirro: 35 Maxbuus oo Alshabaab ah oo Caaw lagu wareejiyey Xabsiga weyn ee Garoowe

Maxaabiistii Alshabaab ee lagu soo qabqabtay dagaalkii maalinimadii shalay 20-March-2016- kadhacay Togga Suuj ee deegaanka Garmaal ee Gobolka Nugaal ayaa Caawa fiidkii lagu soo wareejiyey xabsiga weyn ee magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Maxaabiistaas oo tiradoodu tahay 35 maxbuus oo 4 kamid ahi ay dhaawac ahaayeen ayaa waxay u badnayd da’doodu 13 ilaa 17sanno taas oo muujinaysa khatar ay sharwadayaasha alshabaab ku hayaan ummadda Soomaaliyeed iyo sida ay maandoorinayaan maskaxda carruurta yarar.

Maxaabiistaas oo diif iyo diihaal badani ka muuqdey ayaa durbadiiba saraakiisha iyo hawl wadeenada xabsiga weyne ee Garoowe waxay bilaabeen daaweynta dhaawacyada, daryeelka, quudinta iyo sidii loo siin lahaa xannaano wanaagsan.

Ugu dambayntii, xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada sare iyo guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland ayaa  waxay waraysiyo ku saabsan maxaabiitaasi goobihii ay kayimaadeen iyo sababaha ay Puntland u yimaadeen iyo mabaadii’da ay aammin san yihiin la yeesheen dhammaan maxaabiistii xabsiga lagu soo wareejiyey.

—DHAMMAAD—

IMG_2725IMG_2727IMG_2728IMG_2729IMG_2730IMG_2731IMG_2732IMG_2733IMG_2734IMG_2745IMG_2746IMG_2747IMG_2748IMG_2749IMG_2750IMG_2751

About The Author