Sawiro: Al-Shabaab oo soo bandhigtay Gaadiidkii ay ku qabsadeen DFS

22 Marso 2016 (Puntlandes) Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Gaadiidkii Dagaal ee ay ku qabsatay weerarkii shalay ay ku qaaday saldhig Ciidamada DFS ku lahaayeen xerada Laanta-Buuro oo qiyaastii magaalada Muqdisho u jira illaa 40-KM.

Weerarkan oo ahaa mid xoogan ayaa xoogag ka tirsan Al-Shabaab waxay dhowr jiho ka weerareen xeradaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Milateriga.

Gawaarida ay soo bandhigeen Al-Shabaab ayaa todobo ka mid ah ay ahaayeen gaadiidka loo yaqaano cabdibile, gaari booyad ah iyo gaari yar.

Afhayeenka Al-Shabaab Abuu Muscab oo la hadlay Warbaahinta Afka Shabaab ku hadasha ayaa sheegay in weerarkaas ku dileen illaa 73 askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku qaadeysay xeryaha Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolada dalka, waxaana weeraradan khasaaro ka soo gaarayeen ciidamada.

Daawo Gaadiidka iyo Hubka ay al-shabaab ka furteen DFS

alsha9

alsha7

alsha4

alsha6

alsha3

alsha2

About The Author