Akhriso Khasaraga Alshabab-Sawiro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Garacad Gaarey & Hawlgalkii DANAB oo lasoo gebagabeeyey

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalinimadii shalay soo gaadhey magaalada Jarriiban ee Gobolka mudug ayaa isla shalayba waxa uu u amba baxay magaala xeebeedka Garacad ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay kusoo dhoweyeen xubno kamid ah Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidanka oo muddadii dagaalku soconeyey ku sugnaa Deegaankaasi.

Madaxweynaha ayaa markii uu gaadhey deegaanka Garacad ayaa waxa uu kulamo xog waraysi ah oo ku saabsan xaaladda guud ee deegaanka iyo dagaaladii sharwadayaasha Alshabaab oo dhowaan lasoo afmeeray  la qaatay masuuliyiintii hawl-galka qaybta ka ahayd oo isugu jirey wasiiro iyo Saraakiil ciidan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa subaxnimadii saaka waxaa uu kormeero ku tegey goobtii ay kasoo degeen sharwadayaasha Al-shabaab oo ku taalla xeebta Deegaanka Garacad halkaas oo ay xilligaasi ku sugnaayeen kalluumaysto ku jirey shaqo maaalmeedkoodii caadiga ahaa.

Madaxweyne Gaas ayaa intaasi kadib waxa uu booqasho dhiiri-gelin iyo hambalyo ku qotonta ugu tegey cutubyo katirsan ciidanka Daraawiishta Dawladda Puntland kuwaas oo dhowaan soo afjaray Hawl-galkii DANAB ee lagu soo afjarayey duullaankii qaawanaa ee kooxda burcad-diimeedka alshabaab ay kusoo qaadeen Puntland.

Ciidanka Daraawiishta Dawladda Puntland ee hawl-galka kaga jirey Aagga Garacad iyo Godob jiiraan ayaa goobta kusoo bandhigay Saanad ciidan oo tiro badan oo isugu jirtey hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ka qabsadeen kooxda Alshabaab, sidoo kale waxay soo bandhigeen 46 Maxbuus oo kusoo qabqabteen Hawl-galkii DANAB ee lagu cidhibtiray kooxihii Burcad-diimeedka shabab ee duullaanka kusoo qaaday goobo kamid ah deeno xeebeedyada Puntland.

Ugu dambaytii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Taliyaha guud ee Ciidanka Daraawiishta Dawladda Puntland Generaal Siciid Maxamed Xirsi ayaa shir jaraa’id oo ay ku faah-faahinayaan Hawl-galkii DANAB ku qabtay howgii uu Madaxweyne Gaas ka degganaa magaalada Garacad.

Generaal Siciid Maxamed Xirsi ayaa sheegay Hawl-galkii ciidanka daraawiishta Puntland ay kaga jireen Aagga Garacad in uu soo gebageboobey isla markaana ay kaga dileen kooxihii soo duuley aagga garacad oo keliya 208, ayna kasoo qabteen 46 Maxbuus, sidoo kale agab Ciidan oo ka kooban 165qori oo isug jira BKM, AK47, Baasuuke 7 (RPG 7), F1 iyo qalab kakooban walxaha qarxa iyo Agabka loo isticmaali Isgaadhsiinta ciidamada, sidoo kale ciidamada Dawladda Puntland waxaa kaga shahiidey 20 askari iyo 60 dhaawac ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli  Maxamed Cali Gaas ayaa hambalyo u diray ciidanka daraawiishta Dawladda Puntland oo cagta mariyey kooxihii sharwadayaasha alshaab ee duullanka kusoo qaaday Puntland, taas oo calaamad u ah cududda ciidamada difaaca Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale sheegay in ay dawladdiisu daryeeli doonto agoomihii ay ka tageen ciidamadii Mujaahidiinta ahaa ee ku shahiidey hawl-galkii DANAB ee ay  burcad diimeedka Al- shabaab  kaga sifaynayeen Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dagaalka Sharwadayaasha Al-shabaab ay kula jiraan ummadda Soomaaliyeed in uu yahay mid xambaarsan mabda’ isla markaana looga baahan yahay ummadda Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan.

Sidoo kale carruutii lagu soo qabtay Hawlgalka ayuu sheegay Madaxweyne Gaas in loo suubinayo daryeel iyo xannaanayn dheeraad ah isla markaana lagu samayn doono hanuunin iyo dhaqan celin ayna ku noolaan doonaan nolol wanaagsan.

Dhagayso

—DHAMMAAD-

Daawo Sawirro.

IMG_3107 IMG_3108 IMG_3110 IMG_3112 IMG_3127 IMG_3128 IMG_3129 IMG_3133 IMG_3134 IMG_3148 IMG_3171 IMG_3174 IMG_3192 IMG_3196 IMG_3198 IMG_3202 IMG_3204 IMG_3205 IMG_3206 IMG_3207 IMG_3208 IMG_3211 IMG_3212 IMG_3213 IMG_3214 IMG_3215 IMG_3216 IMG_3217 IMG_3218 IMG_3219 IMG_3220 IMG_3225 IMG_3226 IMG_3229 IMG_3230 IMG_3232 IMG_3233 IMG_3237 IMG_3238 IMG_3239 IMG_3240 IMG_3242 IMG_3245 IMG_3246 IMG_3247 IMG_3252 IMG_3253 IMG_3254 IMG_3255 IMG_3256 IMG_3258 IMG_3263 IMG_3264 IMG_3268 IMG_3271 IMG_3272 IMG_3279 IMG_3289 IMG_3291 IMG_3292 IMG_3294 IMG_3295 IMG_3296 IMG_3297 IMG_3298  IMG_3300 IMG_3301 IMG_3302 IMG_3303 IMG_3304 IMG_3305 IMG_3306 IMG_3307 IMG_3310  IMG_3314 IMG_3315 IMG_3316 IMG_3317 IMG_3318 IMG_3319 IMG_3320 IMG_3321  IMG_3324 IMG_3325 IMG_3327 IMG_3335 IMG_3337 IMG_3342 IMG_3346 IMG_3347 IMG_3348 IMG_3349 IMG_3350 IMG_3351 IMG_3352 IMG_3353 IMG_3354 IMG_3355 IMG_3361 IMG_3380 IMG_3385 IMG_3386 IMG_3387 IMG_3389 IMG_3390 IMG_3392 IMG_3393 IMG_3394   IMG_3398 IMG_3399  IMG_3405 IMG_3406  IMG_3409 IMG_3417 IMG_3422 IMG_3431 IMG_3440 IMG_3448

About The Author