Sawiro: Haweenka Puntland oo Dhar & Daawo Gaarsiiyay Caruurtii Kamid ahayd Al Shabab ee ay Ciidamada Puntland Soo Qabteen

24 Marso 2016 (Puntlandes) Haweenka Puntland oo kaalin aad u firfircoon ka qaatay Difaaca Puntland ayaa waxaa ay maanta booqdeen Caruurtii kamid ahayd malayshiyada Alshabab ee at Ciidanka Difaaca Puntland dagaal xoogan kala hortageen, gacantana kusoo dhigeen Maxaabiis badan oo Caruur ay ku jirtay.

Khadro Jaamac Maxamed Gudoomiyaha Haweenka Puntland ayaa deeq ay ugu tala gashay Caruurtaas ku wareejisay masuuliyiinta Xabsiga Dhexe uu hogaaminayo taliye cali nuur waxaana ay haweenka booqdeen caruurtaan iyagoo eegayay isbadalka ku yimid.

Muuqaalka carurtaan ayaa aad uga badalan kii ka muuqday markii ay gacanta ku dhigeeen ciidanka difaaca Puntland waxaana hada muuqda nasaho wanaagsan iyo daryeel wanaagsan waxaana xaalkooda gacanta ku haya dowlada oo kaashanaysa shacabka.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Puntland iyo kan maxkamada dambiyada culus ayaa waxaa ay sheegeen in dhalaankaan lasoo khalday dowlada Puntland,na ay dhaqan celin usamayn doonto lana marsiinayo sharciga caruurta aan qaan gaarin puntland uga yaal.

Sawir-1SAWIR-6sawir-7sawir-18Sawir-21sWIR-5swir-8swir-17

About The Author