(XOG CUSUB) Dhagayso: VOA oo waraysatay Maxaabiistii Galmudug soo bandhigtay oo ah Firxadkii Alshabab ee Puntland laga soo cayriyey!!

25 Marso 2016 (Puntlandes) Idaacadda VOA ayaa waraysatay maanta Maxaabiistii ay Galmudug kusoo bandhigtay Xaafada Baraxleey ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo ah Firxadkii Alshabab ee Puntland laga soo cayriyey!!

217-3b1

Mid kamida oo la Siidoow Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in dagaal ugu dambeeyey kii Puntland ku qaaday ayna iyaga oo aan waxba cunin muddo 7 cisha Haraadna la ildaran ay nin reer Baadiye ah arkeen “Hal qori oo AK47 ah oo aan haysanay ayaan siinay ninkii, waxaana ka codsanay ninkii meel magaalo ah oo Ciidamo iyo Mas’uuliyiin joogaan na gee, kadibna … intuu Qorigii aqaatay ayuu naga tagay” ayuu yiri Siidoow

Siidoow ayaa sheegay inay la kulmeen Ciidan Galmudug ah Biyo iyo cuntana ay siiyeen sidaasna Gaalkacyo lagu keenay wax dagaal ahna aysan la gelin maamulka gobol iyo barka sheegta ee Galmudug.

Siidoow ayaa uu sheegay in Madaxdii wadatay meel uusan magaceeda aqoon kuna sheegay “Ceel Dhanaane” waxaa loogu keenay Baabuur wuxuuna sheegay in Qoryihii intay ka ARUURSADEEN inay ku yiraahdeen ISKA TAGA sif´daasna ay kusoo Tageen.

Hadalka Siidoow ayaa BEENINAYA in maamulka Galmudug uu DAGAAL LA GALAY ALSHABAAB KUNA SOO QABTAY MAXAABIIS
Dhagayso Waraysiga


Puntlandes.com

About The Author