Sawiro: Shirkadda Transom Airways oo bilowday Duulimadyo isku xiri doono Boosaaso, Muqdisho & Nairobi

25 Marso 2016 (Puntlandes) Shirkadda duullimaadka ee Transom Airways oo ka hawlgasha Soomaaliya ayaa ka billowday Garoonka Bosaso ee xarunta Gobolka Bari duullimaadkii ugu horreeyay oo isku xiri doonaBoosaaso, Muqdisho, iyo Nairobi Kenya.

Maamulaha Shirkadda Transom Airways ee Boosaaso, Xasan Diiriye Jaamac oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inay si toos ah u bilaabeen duullimaad isku-xiri doona magaalooyinka Boosaaso, Muqdisho iyo Nairobi, Kenya.

“Duullimaadyada Transom Airways ee isku xiri doona; Magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso iyo Nairobi waxay bulshada ka kaafin doona baaihida duulimaad ee ay qabeen inay isaga gooshaan magaalooyinkan. Waxaana doonaynaa inaanu ku darno Dubai, dadweynaha reer Puntland iyo Ummadda Soomaaliyeed, waxaanu ugu shaqeyn doonna si hufan,” ayuu yiri Xasan Diiriye.

Wuxuu kaloo Maamulaha Transom Airways intaas ku daray in Todobaadkii ay afar duulimaad ku tegi doonaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo ah xarunta ganacsiga Puntland.

 

transfom (1)transfom (2)transfom (3)transfom (4)transfom (5)transfom (6)transfom (7)transfom (8)

About The Author