RW DFS oo Qaar ka mida Isimada PL ka Codsaday inay ku Aqbalaan 4.5 dartiis maadaama uu yahay Musharaxa madaxweynaha DFS

28 Marso 2016 (Puntlandes) Raysul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa waxa uu Caasimada Puntland ee garowe ku sugnaa ilaa iyo Jimcihii isagoo u yimid inuu ka dhaadhiciyo Shacabka iyo dawladda Puntland inay qaataan habka qabaliga ah ee 4.5 oo ay Puntland horay u diiday.

217-8l

Raysul wasaare Cumar ayaa shalay galab Guriga Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse kula kulmay qaar ka mida Isimada Puntland, waxayna wararka ay helayso Warbaahinta Puntlandes sheegayaan in Cumar uu ka Codsaday Isimada Puntland inay ku taageeraan in Puntland Aqbasho 4.5 si doorasho loogu galo.

Isimadda ayaa gaashaanka u daruuray Codsiga Cumar iyagoo sheegay inay Puntland horay u muujisay mowqifkeeda.

Intaas kadid ayuu Raysul wasaare Cumar sida ay Xogta ku heshay Warbaahinta Puntlandes e waxa uu ka codsaday Idsimada inay ku taageeraan damaciisa siyaasadeed ee tartanka doorashada 2016 uuna yahay Musharax Madaxweynaha DFS 2016, sidaasi darteedna ay ogolaadaan sanadkan in doorashada lagu galo 4.5.

Isimadda Puntland way ku gacan sayreen Codsigaas kale ee uu Cumar soo bandhigay.

Puntlandes.com

About The Author