Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo dhagax dhigay dhime Cusub oo lagu soo kordhiyey Wasaaradda Warfaafinta

Madaxeynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 28-March-2016 waxaa uu Garoowe ka dhagax dhigay dhismaha cusub ee ICT, kaas oo lagu soo kordhin doono  Wasaaradda Warfaafinta dawladda Puntland.

 Dhagax dhigaas dhismaha ICT uu maanta dhagax dhigay Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa waxaa ku weheliyey Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid Sharmaarke oo mudo afar maalmood ah ku sugan magaalada Garoowe ee Caasimada Dawlada Puntland.

Sidoo kale munaasabadda Dhagax dhigga ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubo ka tirsan golahayaasha wasiirada ee dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya, Waxaana Munaasabadda Dhaga-dhigga hadallo faahfaahin ka jeediyey Wasiirka Warfaafinta Dawladda Puntland iyo Wasiirka Boostada iyo isgaadhsiinta Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in nidaamkani uu wax badan kusoo kordhin doono nidaamka isdhaafsiga xogaha ee wasaaradaha kala duwan ee dawladda Puntland iyo guud ahaan isgaadhsiinta Puntland.

“waa Barnaamij wax badan ka beddeli doona aqoonta, isdhaafsiga macluumaadka iyo isgaarsiinta, waa mashruuc leh wejiyo kala duwan oo hadda wejigiisii koobaad oo uu bangiga adduunku maal-gelinayo aynu maanta dhagax dhignay, ayna ku xigi doonaan mashaariic kale” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Ra’iisul-wasaaraha oo ay xukuumaddiisu door ku lahayd hirgelinta mashruucan muhimka u ah Puntland qaybna ka ah deeqaha soomaaliya loogu deeqay isla markaana Puntland qaybteedii lasoo gaadhsiiyey.

“Ra’iisul-wasaare aadbaad ugu mahadsan tahay in aad nagala soo qayb gashid dhagax-dhigga mashruucan, qaybna aad ka ahaataan adiga iyo xukuumaddaaduba hirgelinta mashruucan oo runtii ah waxyaabihii ay dawladda Puntland ka filaysey dawladda Federaalku in ay laqaybsato, isla markaana ay Deeqaha loogu talo galay Soomaaliya ay Puntland ka hesho wixii ay xaqqa u lahayd” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Gaas.

Sidoo kale Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliyeed Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in ay waajib tahay in dalka lagu baahiyo deeqaha loogu deeqo dalka Soomaaliya, isla marhaantaasina intaasi sii raaciyey in  barnamijkanina uu qayb ka yahay deeqahaasi.

Barnaamijkan ITC ayaa noqon doono mid lagu dardar gelin doono nidaamka isgaarsiinta Puntland iyadoo la adeegsanayo Tiknoolojiyadda Casriga ah (ICT) waxaana maal -gelin doona Bangiga Adduunka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli  Maxamed Cali Gaas oo uu weheliyo Ra’iisul-waaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo booqday dhaawacyadii ciidamada Difaaca Dawladda Puntland iyo dadkii rayidka ahaa ee ku dhaawacmay dagaaladii ciidamada dawladda Puntland ay la geleen kooxaha Al-shabaab.

Dhegeyso Madaxweyne Gaas

Dhegeyso Raysul wasaare Cumar

—DHAMMAAD—

IMG_3630IMG_3631IMG_3633IMG_3637IMG_3642IMG_3646IMG_3649IMG_3650IMG_3654IMG_3663IMG_3671IMG_3674IMG_3679IMG_3686IMG_3688IMG_3702IMG_3707IMG_3709IMG_3714IMG_3715IMG_3720IMG_3728IMG_3730

About The Author