Dhagayso: Gudoomiyaha G Nugaal ”Gobonimadu waxay u baahan tahay geesi dhinta iyo geesi dhaawacma”

28 Marso 2016 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi  Farawayne oo maanta dib uga soo laabtay Aaga Alshabaab Sifayntu ka socotay ee Garacad kadib markii ay Ciidanka Difaaca Puntland ay ka dhigeen Argagixisada wax la dilo, wax la qabto iyo wax carara, ayaa asoo gaaray Caasimada Puntland ee Garowe.
217-8b

Boqolaal dadwayne ah ayaa ka qayb qaatay soo dhawaynta ciidanka kasoo laabtay deegaanka Garacad, iyadoo uu Gudoomiye Cumar sheegay inuusan weli dhamaan dagaalkii oo ay u harsan yihiin kuwii talleefonka ku hagayay kooxda duulaanka soo qaaday.

Gudoomiye Cumar ayaa yiri ”Dagaalku hadduu bilow yahay waxaa haray dadkii dadka soo qalday ee beenta u sheegay oo talleefoonka kula nabnaa oo lahaa meesha waxba kama jireen, kuwaasoo guryahay jiifaan goortii lasoo qabto ha orinna waa reer Qansa iyo waa reer Qodax, waxaan u aqoon sanaynaa dambiile qaran”

Dhagayso Gudoomiye Cumar


Puntlandes.com

About The Author